Maxamed Cabdullaahi Maxamed
Saturday, November 1, 2014
Ha sababin in berri lagu yiraahdo ''Madaxdii bur-burka iyo mashaakilka"
Khilaaf ka dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan SHeekh iyo Ra'iisul wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa soo shaac baxay wax un yar kadib markii Cabdiweli Sheekh Axmed uu sameeyay Isku shaandheyn qaar kamid ah golaha wasiirada.
Aniga fikir ahaan ma qabo in kuwa maanta talada haya in ay jiraan wax ay ku kala bedalan yihiin kuwii ka horreysay, hase yeeshee kuwa soo socda kama aragti dhiiban karo.
Xukuumadda hadda shaqeysa ee uu hoggaaminayo Ra'iisul wasaare Cabdiweli Sheekh waxaa ka horreysay xukuumaddii uu hoggaanka u hayay Dr. Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo iyadu baarlamaanka ay laaleen.
Wararka suuqa ku jira ma ahan kuwa fiican, waxayna u muuqdaan kuwa dilaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ka daalacay colaadaha iyo abaaraha.
Runtii waxaa Soomaalidu tiraahdaa "Nabad aad ka warqabtay xanuunkiisa waxba kaama dhimo" waxaase leeyahay fursadda aad maanta heysataan ha uga faa'iideysanina sida qaldan si shacabka ay u kala sii fogaadaan.
Waxyaabaha aan ka digayo waxaa kamid ah Qabyaaladda oo dhab ahaantii Soomaalida si weyn ula degtay.
Maanta ma jiro Masuul Soomaaliyeed oo metala Shacabka laakiin waxaa jira masuul Soomaaliyeed oo qabiilkiisa metala, Rajada ifeysa ayaa ah mid wanaagsan oo u muuqata in arrintaasi laga gudbi doono.
Madaxda maanta talada heysa sida Madaxweynaha, Raysal wasaaraha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka iyo masuuliyiinta kale ee dowladda Federaalka waxaan u sheegayaa inay ka fogaadaan in berri ay ku magacownaadaan madaxdii "Burburka iyo Fowdada" Sababtoo ah haddii aad maanta horseed u noqoto xasiloonida iyo hormarka taariikhdu kuma hilmaami doonto si sidaas lamid ahna haddii aad xumaanta u hiiliso taariikhda ayaa xusi doonta.
Qof walba oo Soomaali ah maanta waxa uu dareemi karaa xaaladda uu dalka marayo waxaana wanaagsan in qofka uu ka qeyb qaato xasiloonida dalka iyo geeddi socodka nabadda si looga baaqsado khilaafyo abuuri kara colaad sokeeye, dhibaatooyin kale iyo waxyaabo aan ka soo gudubnay.
Inkastoo uusan igu jirin fikirka ah in Shisheeyaha iyo kuwa dariskaba oo ay ugu soo horreeyaan Itoobiya iyo Kenya ay wax inoo qaban karaan inay na hagal-daaciyaan ma ahane ayaa madaxda qaranka waxaan u jeedinayaa inay isu tanaasulaan iyadoo la dhowrayo danta dalka iyo dadka.
Awoowayaal ayaa iiga sheekeeya in la soo maray xili ay hal-hees u tahay shacabka Soomaaliyeed Danta guud ayaa ka horreysa midda gaarka ah, laakiin waxaa maanta fool-xumo ah in masuul kasta uu dantiisa gaar ahaaneed uu eeganayo.
Madaxda Qarankow kursiga waxaad ugu fadhisaan Shacabka Soomaaliyeed oo dhan garta oo aqoonsada in dalka uu marayo marxalad ka duwan sidii hore inta aad dib inoo dhigi lahaydeen waxaa igala haboon inaad hore u socotaan illaa darbigu idin soo celinayo oo macnaheedu aan kala jeedo inta dowladnimo sax ah aan ka heleyno.
Mahadsanidiin
Maxamed Cabdullaahi Maxamed
Email-ka Mcabdullaahi94@gamil.com
Www.Facebook.com/deeq1994
Saturday, October 26, 2013
Waan Cambaareynayaa falkii lagu xiray Maamulka iyo SHaqaalaha Shabelle ee Muqdisho.
Wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe waxaa dalkayaga ka hana qaaday Warbaahin madax bannaan oo xor ah.
Dhinacyada siyaasadda in badanoo kamid ah ayaa ka soo horjeestay amaba aanan ku qanacsaneyn sida ay xaqiiqda u soo bandhigayaan wariyeyaasha da'da yar misna ay ka go'an tahay in ay mar walba shacabkooda waxa jira u soo gudbiyaan.
Ciidamo ka tirsan dowladda Federal-ka ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gudaha u galay xarunta Idaacadda Maxalliga ah ee Shabelle iyadoo kadib ay ku dhaqaaqeen xad gudubyo loo geystay maamulka iyo shaqaalaha Raadiyahaasi Shabelle.
Waxaan Aad uga xumay falkaasi maanta lagu xiray Howlwadeennada Idaacadda Shabelle oo qaarkood ciidanka ay jir dileen.
Dowladda Federal-ka ayaa u jeedinayaa in ay wax ka badasho hab dhaqanka wariyeyaasha Soomaaliyeed oo iyagu u soo nuglaa in ka badan 22 sano dil iyo wixii lamid ah.
Saaxiibadayda Warbaahinta Shabelle waxa aan leeyahay wixii dhacay waa gaf saxaafadeed sidaasi darteed waa inaad sii wadataan howshiina aad bulshada u heysaan.
Dowladda waxaan mar kale u jeedinayaa in ay dhowrto xuriyadda saxaafadda oo aanay waxyeelo dambe u dhicin, anigoo dowladda sidoo kale ka codsanaya in Raadiyaha Shabelle iyo Shaqaalihiisaba ay u ogalaato in mar kale ay ku sii shaqeeyaan dhismaha xarunta oo hadda isku bedashay goob ciidan.
Waxaa inagu maqaallo ah in shabakad dhan aanay ku guuri karin 5 maalmood, marka madaxdii soo saaray amarkaas iyo kuwa kaleba waxaan u sheegayaa in ay haboon tahay in dowladda dib ay isugu laabato iyada isla markaana aan ka codsanayaa in xaaladda ay qaboojiso si aanay u dhicin xad gudubyo kale.
Saaxiibada Shabelle-na waxaan leeyahay shacabkiina ayaa idin sugaya ee wixii dhacay waa tacaddi saxaafadeed oo kaliya marka waa inaad sii dhabar adeegtaan oo howsha la sii xoojiyo si loo guuleysto.
Waxaan jeclahay inaad ka dharagsan tihiin in maanta siyaasiyiinta in badan oo kamid ah aanay ogaleyn in bulshada runta loo sheego sida tabinta Musuq-maasuqa iyo wixii soo raaca.
Shabellaay ballanteennu waa howl karnimo iyo shaqo wacan.
DHanka kale waxaan halkan aan tacsi uga dirayaa dhammaan eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde oo caawa ku geeriyooday Isbitaalka Madina ee Magaalada Muqdisho.
Wednesday, August 14, 2013
Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Ee Galmudug iyo shacabkiisa Hambaylo balaaran ayaan u dirayaa, waana salaamayaa.
Waxaa si weyn loogu debaal degay magaalada Gaalkacyo
sanad guuradii 7 aad markii dhidibada loo aasay maamul goboleedka Soomaaliyeed
ee Galmudug State.
Aniga oo ka faa’iideysanaya fursaddan waxaan leeyahay
dhammaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug Hambalyo in badan.
Waxaa muhiim si loo helo deegaan ama Bii’o nabdoon oo
ka hufan caafimaad darro iyo waxyeello kale in shacabku ay ka
shaqeeyaan, sidaa darteed anigoo ka faa’iideysanaya fursaddan waxaan kula
dar-daarmayaa shacabweynaha Dowlad goboleedka Galmudug in ay isku howlaan sidii
deegaannada maamulka ay u noqon lahaayeen kuwa ka wanaagsan deegaannada kale ee
Soomaaliya.
Maamul goboleedka Galmudug waxaan rumeysanahay in
wax badan ay u suurta galeen intii uu dhisnaa, si sidaas lamid ah ayaan ugu
rajeynayaa in ay ku guuleysan doonaan arrimo badan oo hadda hor-yaalla.
Mar kale ayaan jeclahay inaan iraahdo Hambalyo reer
Galmudug ka faa’iideysta fursadda aad heysataan garab istaaga maamulkiina ,
dhallinyarada waxaan u sheegayaa in maanta adinku aad tihiin madaxdii berri
maamulka la wareegi lahayd, dedaal badan waa inaad sameysaan.
Masuuliyiinta dowlad goboleedka Galmudug waxaan kaga
codsanayaa halkan iyagana in ay dardar galiyaan howlaha hor-yaalla ee looga
baahan yahay in ay qabtaan, waxaan ka codsanayaa oo aan si aad ah uga codsanayaa
in magaalada Gaalkacyo ee xaruta gobbolka iyo deegaannada kale sida Hobyo oo
kale ay ka hir-galiyaan goobo waxbarasho oo uu maamulka dhidbo si berri aan uga
gaashaamanno in dhallinta deegaanka aanay ku dhicin waxbarasho la’aan, ogaada
aqoonta aya lagu gaaraa horumar iyo barwaaqo.
Maamulka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan
deegaannada maamul goboleedka Galmudug hambalyo 7sano guuradiina waana idin
kaga mahadcelinayaa inaad halkan isa soo gaarsiisaan adinkoo kaashanaya Alle
weyne.
Thursday, August 1, 2013
Shacab-weynaha Puntland Hambayo anigoo ka faa'iideysanaya 1-da Augost, 15 sano kadib.
Waxaan
doonayaa in bulshada reer Puntland aan la qeybsado debaaldegga 1 Aogust oo ka
soo wareegatay 15 sano markii la aas-aasay Puntland.
Runtii
waxaa mahad iska leh maanta haboon in la xasuusto siyaasiyiin gaar ah oo iyagu
halka maamulkan uu marayo sabab u ahaa.
Shacab
weynaha ku nool dhulka Puntland waxaan u jeedinayaan in ay ka fogaadaan wax
walba oo horseedi kara dhibaato iyo qas ka dhaca gobbolka.
Waxaan
aad idin kugu boorinayaa sida aad u ilaashateen nabadgalyadiina, si sidaas
lamid ah uga qeyb qaata isku duubnida dadweynaha Soomaaliya.
Wax
lagu farxo weeye in maanta Puntland ay caawa u dabaaldegeyso 15 sano kla hor
markii la aas-aasay.
Reer
Puntland waxaan leeyahay Hambalyo, Hambaylo, Halmabyo Soomaaliduna waxa ay
tiraahdaa wadada wanaagsan waa midda horseedda dhabaha guusha marka waxaad
noqotaan dad ka fikira Mustaqbalkooda iyo kan jiilka xiga{Carruurtiina}.
Madaxweynaha
Puntland Craxmaan Faroole ayaa nasiib u yeeshay inuu madaxweyne ka ahaado
maamulka Puntland oo aanan la ogeyn cidda isaga xigi doonta inkastoo loo
badinayo in aanu soo laaban Mudane C/raxmaan Shekh Maxamed Maxamuud Faroole.
Qormadeyda
ujeedkeedu maahan madaxtinimada Puntland balse waxaan aad ugu faraxsanahay in
dad reer Puntland ay u dabaaddegayaan markii dhidibada loo taagan Puntland.
C.raxmaan
Faroole, oo ah madaxweynaha weli xilka hya ee Puntland ayaa sidoo kale uga
mahadcelinayaa intii xilka uu hayay wixii shacabka Puntland uu u soo qabtay
anigoo fursaddan kaga faa’iideysanaya.
Puntland
waligiina nabad iyo kheyr, bareere iyo barwaaqo baan idiin rajeynayaa.
“Aad ayaan uga xumahay wixii saaka ka dhacay Muqdisho, Ciidanka Amniga waxaan u jeedinayaa in ay dar-dar galiyaan xaqiijinta nabad-galyada”.
Baalle la beegsaday!
Ciidamo huwan hal darees ayaa dhowaan lagu arkay Magaalada
Muqdisho waddooyin kamid ah kuwaasoo laamaha amniga ay sheegeen in ay ka qeyb
qaadanayaan sugidda amniga magaalada ayaa haddana waxaad mooddaa in howshooda
ay ka hurdeen.
Marka aan sidaa dhahayo dabcan ula ma jeedo dhaliil aan ka soo gudbinayo dowladda Soomaaliya balse xaqiiqda jirta waxa ay tahay, saaka shacabka Muqdisho waxa ay ku indha kala qaadeen qarax magaalada meel kamid ah laga maqlay.
Qaraxa ayaa ahaa nooca Miinada waxaana la dhigay wadada Makka-Almukarrama meel aanan wax badan ka fogeyn shaqaalaha, wadadaasi oo ah wadada kaliya ee Muqdisho hadda ugu isticmaalka badan, maadaama madaxda dowladda oo xildhibaannadu ay ugu horreeyaan ay marin u tahay.
Mid kamid ah baalayaasha bixiya Ileyska xiliyada habeenkii ee wadadaasi ku teedsan ayaa lala bartilmaameedsaday qaraxa saaka wadada shaqaalaha ee Makka Almukarrama ka dhacay.
Aniga ka ahaan markii uu isoo gaaray warka sheegaya in qarax uu ka dhacay wadada Makka-Almukarrama, durba waxaa maskaxdeedu ay isweydiisay ama ay dib u gocatay ciidamadii gaarka ahaa ee la yiri amniga ayay sugayaan.
Waan isweydiiyay “War, side wax u jiraan”? haddana hadalka ma aanan sii raacin oo wax walba waa qadar, hase yeeshee su’aashaasi ilaa iminka jawaab uma helin, akhriste haddii adigu aad jawaab uheyso ii soo gudbi adigoo mahadsan.
Tan kale waxaa Magaalada ku soo kordhay dilal aanan horay uga dhici jirin, iyana waan isa su’aalay oo waxaan isweydiiyay sababta laamaha amaanka ee dowladda ay talaabo u qaadi la’ yihiin.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Mudane Xasan Sheekh waxaa la sheegaa in ay baraarugaan oo kaliya markii ay wax dhacaan kadib, balse inta aanay wax dhicin ciidamadu maxay u foojignaan la’yihiin.
Ma aqaan arrintaasi ma mushaar ayaysan qaadan oo wixii ay quudan lahaayeen ayay ka fikirayaan mise dhan kale ayaa habacsanaani ka jirtaa?Baaritaanno ayaa saaka ka jira waddooyinka, hal qarax haddii uu dhaco waxaa heegan gala askarta dowladdeena, halka marka laga baaqsado amni darrada ciidanku ay ka jiifanayaan sugidda nabad-galyada.
Haddii laga baxay KMG-kii shacabka Soomaaliyeed ee daalan waa u ayaan-darro in weli ay u nuglaadaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan arrintaas awgeed oo aan ognahay in dalka muddo 23 sano ah uu ku soo jiray dagaallo sokeeye.
Dowlada Soomaaliya waxaan u soo jeedinayaa in ay xil iska saarto xaqiijinta amniga shacabka ku hoos nool si ay u kasbato dareenka dadweynaha haddii kale shacabku waxaa ay u bareeri karayaan qudhooda in ay qeyb ka noqdaan amni darrada.
Waxaan ka walaacsanahay in shacabkeennu ay gaaraan meel aanan qabasho lahayn, dhibaato aanay waligood ka soo kasban baan ula jeedaa balse shacab waliba dhallinyaradooda ayaa samatabixiya.
Laamaha amniga wax badan waa ay ku amaanan yihiin, hase yeeshee waxaan u soo jeedinayaa in howshoodu ay laba jibbaaraan si xasilooni loogu damaashaado loo helo, haddii kale waxaan rumeysaneynaa in musus-maasuqa la sheegayo uu jiro, saraakiiha iyo ciidamadana lacago ay qaataan.
Magaalada caasimada ah ee Muqdisho wax badan sidii ay sanado la soo maray ahaan jirtay maanta waa ay ka wanaagsan tahay dhan waliba.
Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool waxaan u rajeynayaa nabad, caafimaad iyo alle ka cabsi, sababtoo ah haddii Alle aan ka cabsanno irid waliba waa ay noo fududaaneysaa.
Horay madax ka tiran xisbi siyaasadeedyada jira qaarkood, oo iyaguna loolan ugu jira meel un in ay uga soo dhacaan saaxada siyaasadda Soomaaliya iyo odayaal dhaqameedyo Soomaaliyeed ayaa dhaliilay howsha ciidamada qalabka sida ee Millateriga, kuwa Booliska iyo kuwa ku shuqulka leh nabad-galyada.
Marka aan sidaa dhahayo dabcan ula ma jeedo dhaliil aan ka soo gudbinayo dowladda Soomaaliya balse xaqiiqda jirta waxa ay tahay, saaka shacabka Muqdisho waxa ay ku indha kala qaadeen qarax magaalada meel kamid ah laga maqlay.
Qaraxa ayaa ahaa nooca Miinada waxaana la dhigay wadada Makka-Almukarrama meel aanan wax badan ka fogeyn shaqaalaha, wadadaasi oo ah wadada kaliya ee Muqdisho hadda ugu isticmaalka badan, maadaama madaxda dowladda oo xildhibaannadu ay ugu horreeyaan ay marin u tahay.
Mid kamid ah baalayaasha bixiya Ileyska xiliyada habeenkii ee wadadaasi ku teedsan ayaa lala bartilmaameedsaday qaraxa saaka wadada shaqaalaha ee Makka Almukarrama ka dhacay.
Aniga ka ahaan markii uu isoo gaaray warka sheegaya in qarax uu ka dhacay wadada Makka-Almukarrama, durba waxaa maskaxdeedu ay isweydiisay ama ay dib u gocatay ciidamadii gaarka ahaa ee la yiri amniga ayay sugayaan.
Waan isweydiiyay “War, side wax u jiraan”? haddana hadalka ma aanan sii raacin oo wax walba waa qadar, hase yeeshee su’aashaasi ilaa iminka jawaab uma helin, akhriste haddii adigu aad jawaab uheyso ii soo gudbi adigoo mahadsan.
Tan kale waxaa Magaalada ku soo kordhay dilal aanan horay uga dhici jirin, iyana waan isa su’aalay oo waxaan isweydiiyay sababta laamaha amaanka ee dowladda ay talaabo u qaadi la’ yihiin.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Mudane Xasan Sheekh waxaa la sheegaa in ay baraarugaan oo kaliya markii ay wax dhacaan kadib, balse inta aanay wax dhicin ciidamadu maxay u foojignaan la’yihiin.
Ma aqaan arrintaasi ma mushaar ayaysan qaadan oo wixii ay quudan lahaayeen ayay ka fikirayaan mise dhan kale ayaa habacsanaani ka jirtaa?Baaritaanno ayaa saaka ka jira waddooyinka, hal qarax haddii uu dhaco waxaa heegan gala askarta dowladdeena, halka marka laga baaqsado amni darrada ciidanku ay ka jiifanayaan sugidda nabad-galyada.
Haddii laga baxay KMG-kii shacabka Soomaaliyeed ee daalan waa u ayaan-darro in weli ay u nuglaadaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan arrintaas awgeed oo aan ognahay in dalka muddo 23 sano ah uu ku soo jiray dagaallo sokeeye.
Dowlada Soomaaliya waxaan u soo jeedinayaa in ay xil iska saarto xaqiijinta amniga shacabka ku hoos nool si ay u kasbato dareenka dadweynaha haddii kale shacabku waxaa ay u bareeri karayaan qudhooda in ay qeyb ka noqdaan amni darrada.
Waxaan ka walaacsanahay in shacabkeennu ay gaaraan meel aanan qabasho lahayn, dhibaato aanay waligood ka soo kasban baan ula jeedaa balse shacab waliba dhallinyaradooda ayaa samatabixiya.
Laamaha amniga wax badan waa ay ku amaanan yihiin, hase yeeshee waxaan u soo jeedinayaa in howshoodu ay laba jibbaaraan si xasilooni loogu damaashaado loo helo, haddii kale waxaan rumeysaneynaa in musus-maasuqa la sheegayo uu jiro, saraakiiha iyo ciidamadana lacago ay qaataan.
Magaalada caasimada ah ee Muqdisho wax badan sidii ay sanado la soo maray ahaan jirtay maanta waa ay ka wanaagsan tahay dhan waliba.
Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool waxaan u rajeynayaa nabad, caafimaad iyo alle ka cabsi, sababtoo ah haddii Alle aan ka cabsanno irid waliba waa ay noo fududaaneysaa.
Horay madax ka tiran xisbi siyaasadeedyada jira qaarkood, oo iyaguna loolan ugu jira meel un in ay uga soo dhacaan saaxada siyaasadda Soomaaliya iyo odayaal dhaqameedyo Soomaaliyeed ayaa dhaliilay howsha ciidamada qalabka sida ee Millateriga, kuwa Booliska iyo kuwa ku shuqulka leh nabad-galyada.
By
Wariye Maxamed Cabdullaahi Maxamed,
Tell: +252615887779
Muqdisho, Soomaaliya.
Thursday, July 11, 2013
Xaaladda Magaalada Kismaayo Oo Cakiran--Axmed Madoobe + Kenya.
Oraahda Maxamed Cabdullaahi
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose
waxaa hadda ku xooggan inteeda badan ciidamada ururka Raaskambooni marka laga
soo tago taageerayaasha aanan hubeysneyn ee Barre Hiiraale iyo nimanka kale ee
sheegtay madaxtinimada maamulka lagu mureansan yahay ee Jubbaland.
Saraakiisha iyo ciidamada dowladda Soomaaliya waxa
ay Kismaayo kaga sugan yihiin bannaankeeda, weli dowladda tilaabo hore uma
aanay qaadin hase yeeshee waxaa socda qorshe balaaran oo dowladda Soomaaliya ay
ku wajahayso Kismaayo.
Saraakiil ka tirsan dowladda horay waxa ay
warbaahinta uga sheegeen in Kismaayo sababaha ay u faarujiyeen ay kamid yihiin
in ciidanka Kenya Axmed Madoobe uu u adeegsaday, iyaguna si dadka aanan loogu
kor dagaalamin ayay magaalada kaga baxeen sidaasi waxaa ii sheegay
Cornel Maxamed Ibraahim Buulle oo ka mid ah saraakiisha dowladda ee gobbolka
Jubbada Hoose.
Cornel Maxamed Ibraahim Buulle waxa uu sheegay in
xaaladda magaalada Kismaayo ay tahay mid cakiran oo qasan.
Waxa uu tilmaamay in magaalada ay ka dhaceen
xad-gudubyo ay geysteen ciidanka jabhadda Raaskambooni ee Axmed Madoobe iyo
kuwa Kenyaatiga ah, isagoo carrabaabay in Kenya ay baabuur ku daabulanayso
hantida dadka shacabka ah ee magaalada ku nool.
“Adeer halkan Kenya ayaa xoog ku heysata marka waxaa
ka socda boob hantida dadka shacabka ah ayay Kenya daabulanaysa, xaaladda
wallaahi waa qasan tahay la iskuma halayn karo, annaga magaalada waxaan uga soo
baxnay si dadka aana waxyeello u soo gaarin hase yeeshee Kenya nama ceyrsan
karto mana ku dhacdo middaa”sidaasi waxaa yiri Buulle.
Dhanka kale Cornel Maxamed Ibraahim Buulle waxa aan weydiiyay xariirka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, waxa uuna
sheegay Cornel-ka in ay ku wargaliyeen dowladda arrimaha ka taagan yihiin
magaalada Kismaayo, balse waa uu ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo waxa
dowladdu ugu jawaab celisay.
“Annaga bannaanka ayaan magaalada ka joognaa,
dowladda waan ku wargalinay, waana u sheegnay, marka wax walba waa ay cad
yihiin dowladduna in ay tahay dowlad dhameystiran caalamka waa uu og yahay” mar
kale waxaa sidaasi ii sheegay Cornel Maxamed Ibraahim Buulle.
Magaalada Kismaayo waa xarunta gobbolka Jubbada
Hoose, kadib ka bixitaankii Alshabaab waxa ay wajahday Kismaayo siyaasad
khalafsan oo shacabka marasta ah u horseeday in ay barakacaan maadaama
maleesiyaadka isku haya Kismaayo ay bilaabeen u gaarsshada dad aanan waxba
galabsan oo magaalada ku nool kuwaasoo loo dhibaateynayo Madaxweyne Hebel ayay
taageero u yihiin.
Waxaana magaalada ka dhacay markii ay la wareegeen
ciidanka Raaskambooni in dad rayid ah laga la baxay guryahooda, kadibna la
dilay, dowladda Federalka Soomaaliya ee Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid weli hadal reer
Kismaayo u noqon kara rajo wanaagsan ma aanay siin warbaahinta.
Diyaariye:
Wariye Maxamed Cabdullaahi Maxamed
Monday, July 8, 2013
Ku xigeenka Axmed Madoobe oo si dirqi leh ku baxsaday-Ilaaladiisa waxaa gaaray dhaawacyo halis ah.
Oraahda
Maxamed Cabdullaahi
Wararka caaw aka imaanaya magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa
sheegaya in uu ka badbaaday iskui day lagu khaarijin lahaa Ku xigeenka Axmed
Madoobe inta u dhaxeysa Garoonka iyo magaalada.
Mr Fartaag ayaa ka badbaaday qarax miino oo lagu la eegtay
meel wax yar u jirta garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo isga aiyo
wafdigiisa.
Waxaa wararku ay sheegayaan in 5 kamid ah ilaaladiisa ay
dhaawacmeen halka mid kalena uu geeriyooday.
Durba waxaa goobta soo
gaaray ciidamo lagu sheegay gurmad oo howlgal ka sameeyay nawaaxiga
Mudane Fartaag ku xigeenka madaxweynaha Jubbaland-ta aana aqoonsiga lahayn ee
Axmed Madoobe.
Qolyahay qaraxa la beegsaday madaxweyne ku xigeenka ilaa
iminka lama garano waxaase loo maleynayaa in ay ka dambeeyaan kooxihii looga
adkaaday magaalada.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli madaxweynaha Puntland
Faroole uu u ballan qaaday Axmed Madoobe sugidda amniga magaalada Kismaayo oo
looga arriniyo Jubbaland-ta garabka Axmed Madoobe maadaama raggii kale
magaalada looga adkaaday.
Ballan-qaadka C.raxmaan Sheekh Maxamed Faroole waxaa
siyaasiyiin badan ay ku tilmaameen hadal la iska yiri, oo waxa ay waxgaradku ku
hadal-qabsadeen Nin naftiisa gabay tu kale ma kalkaalo, oo deegaannada Puntland
aminga ka jiraba ma sugnee ma deegaanno kale ayuu sugayaa Faroole.
Fikirkaagu waa muhiim hase yeeshee Aflagaadadu waa ay
reebban tahay walaal.
Sunday, July 7, 2013
Ma garan, mana garwaaqsan doono Ujeedka Faroole iyo Axmed Madoobe!
Oraahda Maxamed Cabdullaahi.
Waxaa weli dad badan ay ka amakaagsan yihiin waxa sababay in Axmed Madoobe oo aan wada garanayno masuulka uu yahay in uu u duulo deegaannada Garoowe.
Warka horudhaca ah ee uu saxaafadda siiyay waxa uu ku sheegay in booqashadiisu ay ku qotanto aaska Marxuum Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse King Kong.
Ila wareedyo ayaa ku warramay in labada masuul waa Faroole iyo Axmed Madoobe ay ka wada arrinsanayaan aayaha dambe ee Puntland iyo hirgalidda maamulka aanan aqoonsiga haysan ee Axmed Madoobe.
Sida nagu maqaalada ah Mr Faroole ayaa taageero badan ku bixinaya maamulka Axmed Madoobe ee Kismaayo, sababaha ugu badan ay yihiin dhaqaalo doonid, iyo magac raadis lagu helayo dadka oo wax loo dhimaa, maadaama Kismaayo taladeeda lagu kala qeybsamay.
Axmed Madoobe maamulkiisa waxa uu socon karayaa markii Faroole uu ku darsado xilka madaxtinimo oo waa hore uu idlaaday.
Marka sidee ayay kuula muuqataa kulamada Faroole iyo Axmed Madooe.
Warbixinno dheeraad ah ayaan idin soo gudbin doonaa.
Saturday, July 6, 2013
Axmed Madoobe iyo Faroole oo wada kulmay(Garoowe)?.
Axmed Madoobe Vs Faroole Maxamuud.
Magaalada Garoowe waxaa ku sugan Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo sheegtay in uu yahay madaxweynaha Jubbaland iyo C.raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.
Maanta ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Axmed Madoobe Waqooyiga gaalkacyo iyo xarunta gobbolka Nugaal ee Garoowe.
Maamulka Faroole ee Puntland ayaa shaaca ka qaaday mar kale inuu taageero hiil iyo hooba la garab taagan yahay maamul lagu muransan yahay oo uu Axmed Madoobe kaga dhawaaqay Kismaayo kaasoo uu ugu magac daray Jubbaland.
Maamulka Axmed Madoobe dowladda Soomaaliya kama haysto wax aqoonsi taasi ayaa laga casi qabaa in Puntland ay wax u dhinto, haddana waxaa mar walba soo ifbaxaya in dowladda iyo Puntland madaxdoodu ay u hadlayaan sidii in aanay iska war hayn oo kale.
Axmed Madoobe weli waxa uu ku sugan magaalada Garoowe, waxaana dad badan ay la amakaagsan yihiin waxa sababay in Axmed Madoobe uu Garoowe tago hase yeeshee arrintan ayaa iftiiminaysa Faroole taageerada uu u hayo Maamulka aanan la aqoonsanayn ee Axmed Madoobe.
Maamulka gobbolka Gedo ee dowladda Soomaaliya ayaa horay dadaallada ay wadaan Axmed Madoobe, Kenyaatiga iyo Faroole iyo shaqsiyaad kale ku sifeeyay hal bacaad lagu lisay.
Friday, July 5, 2013
Qaramada Madoobe soo qabashada Xasan Daahir waxa ay ku tilmaamtay talaabo dowladdu ay horay u qaaday.
Nicholas Kay oo u warramayay BBC-da qeybta Afrika la hadasha waxa uu ka hadlay arrinta Xasan Daahir Aweys.
Mr. Kay ayaa sheegay in talaabo horay loo qaaday ay tahay arrintaasina dowladda ay horseed u tahay waxyaabo badan oo maadaama Sheekh Xasan Daajir uu gacanta ugu jiro dowladda Federal-ka Soomaaliya.
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Madoobe u qaabilsan SOomaaliya Nicholas Kay waxa uu sheegay in Alshabaab ay bur-bureen isagoo bogaadiyay in Xasan Daahir uu hadda ku jiro gacanta dowladda Soomaaliya.
Shalay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shir-doon Saacid ayaa gaaray halka Muqdisho uu kaga xuiran yahay Xasan Daahir Warbaahintana u sheegay in Caafimaad ahaan Xasan uu yahay nin fiyow oo wanaagsan.
Mr Saacid ayaa ka dhawaajiyay in ay xal ka gaareen khilaafaadyadii u dhaxeeyay guddigii markii hore loo wakiishay wadaadka in ay Muqdisho keenaan iyo dowladda Soomaaliya kadib markii la isku maandhaafay halka Sheekh Xasan Daahir Aweys la dejinayo.
"Caafimaadkiisu waa wacan yahay sida wax loo sheegao ma ahan, waxaan idiin sheegayaa in aan xalinnay khilaafkii odayaashii dhanka Xasan iyo Dowladda.
Xasan daahir Aweys weli waxa uu ku jiraa gacanta dowladda Soomaaliya, waxaana loo maleynayaa in wadaadka loo duuliyo dal carbeed oo uu dalbaday.
Akhriste Fikirkaada waa muhiim,,,,,
Subscribe to:
Comments (Atom)




