Wednesday, August 14, 2013

Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Ee Galmudug iyo shacabkiisa Hambaylo balaaran ayaan u dirayaa, waana salaamayaa.






Waxaa si weyn loogu debaal degay magaalada Gaalkacyo sanad guuradii 7 aad markii dhidibada loo aasay maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug State.

Aniga oo ka faa’iideysanaya fursaddan waxaan leeyahay dhammaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug Hambalyo in badan.

Waxaa muhiim si loo helo deegaan ama Bii’o  nabdoon oo  ka hufan caafimaad darro iyo waxyeello kale in shacabku ay ka shaqeeyaan, sidaa darteed anigoo ka faa’iideysanaya fursaddan waxaan kula dar-daarmayaa shacabweynaha Dowlad goboleedka Galmudug in ay isku howlaan sidii deegaannada maamulka ay u noqon lahaayeen kuwa ka wanaagsan deegaannada kale ee Soomaaliya.

Maamul goboleedka Galmudug waxaan rumeysanahay in wax badan ay u suurta galeen intii uu dhisnaa, si sidaas lamid ah ayaan ugu rajeynayaa in ay ku guuleysan doonaan arrimo badan oo hadda hor-yaalla.

Mar kale ayaan jeclahay inaan iraahdo Hambalyo reer Galmudug ka faa’iideysta fursadda aad heysataan garab istaaga maamulkiina , dhallinyarada waxaan u sheegayaa in maanta adinku aad tihiin madaxdii berri maamulka la wareegi lahayd, dedaal badan waa inaad sameysaan.

Masuuliyiinta dowlad goboleedka Galmudug waxaan kaga codsanayaa halkan iyagana in ay dardar galiyaan howlaha hor-yaalla ee looga baahan yahay in ay qabtaan, waxaan ka codsanayaa oo aan si aad ah uga codsanayaa in magaalada Gaalkacyo ee xaruta gobbolka iyo deegaannada kale sida Hobyo oo kale ay ka hir-galiyaan goobo waxbarasho oo uu maamulka dhidbo si berri aan uga gaashaamanno in dhallinta deegaanka aanay ku dhicin waxbarasho la’aan, ogaada aqoonta aya lagu gaaraa horumar iyo barwaaqo.

Maamulka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada maamul goboleedka Galmudug hambalyo 7sano guuradiina waana idin kaga mahadcelinayaa inaad halkan isa soo gaarsiisaan adinkoo kaashanaya Alle weyne.

No comments:

Post a Comment