Thursday, July 11, 2013

Xaaladda Magaalada Kismaayo Oo Cakiran--Axmed Madoobe + Kenya.



Oraahda Maxamed Cabdullaahi





Magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose waxaa hadda ku xooggan inteeda badan ciidamada ururka Raaskambooni marka laga soo tago taageerayaasha aanan hubeysneyn ee Barre Hiiraale iyo nimanka kale ee sheegtay madaxtinimada maamulka lagu mureansan yahay ee Jubbaland.

Saraakiisha iyo ciidamada dowladda Soomaaliya waxa ay Kismaayo kaga sugan yihiin bannaankeeda, weli dowladda tilaabo hore uma aanay qaadin hase yeeshee waxaa socda qorshe balaaran oo dowladda Soomaaliya ay ku wajahayso Kismaayo.

Saraakiil ka tirsan dowladda horay waxa ay warbaahinta uga sheegeen in Kismaayo sababaha ay u faarujiyeen ay kamid yihiin in ciidanka Kenya Axmed Madoobe uu u adeegsaday, iyaguna si dadka aanan loogu kor dagaalamin ayay magaalada kaga baxeen sidaasi waxaa  ii sheegay Cornel Maxamed Ibraahim Buulle oo ka mid ah saraakiisha dowladda ee gobbolka Jubbada Hoose.

Cornel Maxamed Ibraahim Buulle waxa uu sheegay in xaaladda magaalada Kismaayo ay tahay mid cakiran oo qasan.

Waxa uu tilmaamay in magaalada ay ka dhaceen xad-gudubyo ay geysteen ciidanka jabhadda Raaskambooni ee Axmed Madoobe iyo kuwa Kenyaatiga ah, isagoo carrabaabay in Kenya ay baabuur ku daabulanayso hantida dadka shacabka ah ee magaalada ku nool.

“Adeer halkan Kenya ayaa xoog ku heysata marka waxaa ka socda boob hantida dadka shacabka ah ayay Kenya daabulanaysa, xaaladda wallaahi waa qasan tahay la iskuma halayn karo, annaga magaalada waxaan uga soo baxnay si dadka aana waxyeello u soo gaarin hase yeeshee Kenya nama ceyrsan karto mana ku dhacdo middaa”sidaasi waxaa yiri Buulle.

Dhanka kale Cornel Maxamed Ibraahim Buulle waxa aan weydiiyay xariirka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, waxa uuna sheegay Cornel-ka in ay ku wargaliyeen dowladda arrimaha ka taagan yihiin magaalada Kismaayo, balse waa uu ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo waxa dowladdu ugu jawaab celisay.

“Annaga bannaanka ayaan magaalada ka joognaa, dowladda waan ku wargalinay, waana u sheegnay, marka wax walba waa ay cad yihiin dowladduna in ay tahay dowlad dhameystiran caalamka waa uu og yahay” mar kale waxaa sidaasi ii sheegay Cornel Maxamed Ibraahim Buulle.

Magaalada Kismaayo waa xarunta gobbolka Jubbada Hoose, kadib ka bixitaankii Alshabaab waxa ay wajahday Kismaayo siyaasad khalafsan oo shacabka marasta ah u horseeday in ay barakacaan maadaama maleesiyaadka isku haya Kismaayo ay bilaabeen u gaarsshada dad aanan waxba galabsan oo magaalada ku nool kuwaasoo loo dhibaateynayo Madaxweyne Hebel ayay taageero u yihiin.

Waxaana magaalada ka dhacay markii ay la wareegeen ciidanka Raaskambooni in dad rayid ah laga la baxay guryahooda, kadibna la dilay, dowladda Federalka Soomaaliya ee Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid weli hadal reer Kismaayo u noqon kara rajo wanaagsan ma aanay siin warbaahinta.

Diyaariye: Wariye Maxamed Cabdullaahi Maxamed





No comments:

Post a Comment