Monday, July 8, 2013

Ku xigeenka Axmed Madoobe oo si dirqi leh ku baxsaday-Ilaaladiisa waxaa gaaray dhaawacyo halis ah.




Oraahda Maxamed Cabdullaahi


Wararka caaw aka imaanaya magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa sheegaya in uu ka badbaaday iskui day lagu khaarijin lahaa Ku xigeenka Axmed Madoobe inta u dhaxeysa Garoonka iyo magaalada.


Mr Fartaag ayaa ka badbaaday qarax miino oo lagu la eegtay meel wax yar u jirta garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo isga aiyo wafdigiisa.

Waxaa wararku ay sheegayaan in 5 kamid ah ilaaladiisa ay dhaawacmeen halka mid kalena uu geeriyooday.


Durba waxaa goobta soo  gaaray ciidamo lagu sheegay gurmad oo howlgal ka sameeyay nawaaxiga Mudane Fartaag ku xigeenka madaxweynaha Jubbaland-ta aana aqoonsiga lahayn ee Axmed Madoobe.


Qolyahay qaraxa la beegsaday madaxweyne ku xigeenka ilaa iminka lama garano waxaase loo maleynayaa in ay ka dambeeyaan kooxihii looga adkaaday magaalada.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli madaxweynaha Puntland Faroole uu u ballan qaaday Axmed Madoobe sugidda amniga magaalada Kismaayo oo looga arriniyo Jubbaland-ta garabka Axmed Madoobe maadaama raggii kale magaalada looga adkaaday.


Ballan-qaadka C.raxmaan Sheekh Maxamed Faroole waxaa siyaasiyiin badan ay ku tilmaameen hadal la iska yiri, oo waxa ay waxgaradku ku hadal-qabsadeen Nin naftiisa gabay tu kale ma kalkaalo, oo deegaannada Puntland aminga ka jiraba ma sugnee ma deegaanno kale ayuu sugayaa Faroole.


Fikirkaagu waa muhiim hase yeeshee Aflagaadadu waa ay reebban tahay walaal.

No comments:

Post a Comment