Oraahda Maxamed Cabdullaahi
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose
waxaa hadda ku xooggan inteeda badan ciidamada ururka Raaskambooni marka laga
soo tago taageerayaasha aanan hubeysneyn ee Barre Hiiraale iyo nimanka kale ee
sheegtay madaxtinimada maamulka lagu mureansan yahay ee Jubbaland.
Saraakiisha iyo ciidamada dowladda Soomaaliya waxa
ay Kismaayo kaga sugan yihiin bannaankeeda, weli dowladda tilaabo hore uma
aanay qaadin hase yeeshee waxaa socda qorshe balaaran oo dowladda Soomaaliya ay
ku wajahayso Kismaayo.
Saraakiil ka tirsan dowladda horay waxa ay
warbaahinta uga sheegeen in Kismaayo sababaha ay u faarujiyeen ay kamid yihiin
in ciidanka Kenya Axmed Madoobe uu u adeegsaday, iyaguna si dadka aanan loogu
kor dagaalamin ayay magaalada kaga baxeen sidaasi waxaa ii sheegay
Cornel Maxamed Ibraahim Buulle oo ka mid ah saraakiisha dowladda ee gobbolka
Jubbada Hoose.
Cornel Maxamed Ibraahim Buulle waxa uu sheegay in
xaaladda magaalada Kismaayo ay tahay mid cakiran oo qasan.
Waxa uu tilmaamay in magaalada ay ka dhaceen
xad-gudubyo ay geysteen ciidanka jabhadda Raaskambooni ee Axmed Madoobe iyo
kuwa Kenyaatiga ah, isagoo carrabaabay in Kenya ay baabuur ku daabulanayso
hantida dadka shacabka ah ee magaalada ku nool.
“Adeer halkan Kenya ayaa xoog ku heysata marka waxaa
ka socda boob hantida dadka shacabka ah ayay Kenya daabulanaysa, xaaladda
wallaahi waa qasan tahay la iskuma halayn karo, annaga magaalada waxaan uga soo
baxnay si dadka aana waxyeello u soo gaarin hase yeeshee Kenya nama ceyrsan
karto mana ku dhacdo middaa”sidaasi waxaa yiri Buulle.
Dhanka kale Cornel Maxamed Ibraahim Buulle waxa aan weydiiyay xariirka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, waxa uuna
sheegay Cornel-ka in ay ku wargaliyeen dowladda arrimaha ka taagan yihiin
magaalada Kismaayo, balse waa uu ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo waxa
dowladdu ugu jawaab celisay.
“Annaga bannaanka ayaan magaalada ka joognaa,
dowladda waan ku wargalinay, waana u sheegnay, marka wax walba waa ay cad
yihiin dowladduna in ay tahay dowlad dhameystiran caalamka waa uu og yahay” mar
kale waxaa sidaasi ii sheegay Cornel Maxamed Ibraahim Buulle.
Magaalada Kismaayo waa xarunta gobbolka Jubbada
Hoose, kadib ka bixitaankii Alshabaab waxa ay wajahday Kismaayo siyaasad
khalafsan oo shacabka marasta ah u horseeday in ay barakacaan maadaama
maleesiyaadka isku haya Kismaayo ay bilaabeen u gaarsshada dad aanan waxba
galabsan oo magaalada ku nool kuwaasoo loo dhibaateynayo Madaxweyne Hebel ayay
taageero u yihiin.
Waxaana magaalada ka dhacay markii ay la wareegeen
ciidanka Raaskambooni in dad rayid ah laga la baxay guryahooda, kadibna la
dilay, dowladda Federalka Soomaaliya ee Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid weli hadal reer
Kismaayo u noqon kara rajo wanaagsan ma aanay siin warbaahinta.
Diyaariye:
Wariye Maxamed Cabdullaahi Maxamed

