Waxaa si weyn loogu debaal degay magaalada Gaalkacyo
sanad guuradii 7 aad markii dhidibada loo aasay maamul goboleedka Soomaaliyeed
ee Galmudug State.
Aniga oo ka faa’iideysanaya fursaddan waxaan leeyahay
dhammaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug Hambalyo in badan.
Waxaa muhiim si loo helo deegaan ama Bii’o nabdoon oo
ka hufan caafimaad darro iyo waxyeello kale in shacabku ay ka
shaqeeyaan, sidaa darteed anigoo ka faa’iideysanaya fursaddan waxaan kula
dar-daarmayaa shacabweynaha Dowlad goboleedka Galmudug in ay isku howlaan sidii
deegaannada maamulka ay u noqon lahaayeen kuwa ka wanaagsan deegaannada kale ee
Soomaaliya.
Maamul goboleedka Galmudug waxaan rumeysanahay in
wax badan ay u suurta galeen intii uu dhisnaa, si sidaas lamid ah ayaan ugu
rajeynayaa in ay ku guuleysan doonaan arrimo badan oo hadda hor-yaalla.
Mar kale ayaan jeclahay inaan iraahdo Hambalyo reer
Galmudug ka faa’iideysta fursadda aad heysataan garab istaaga maamulkiina ,
dhallinyarada waxaan u sheegayaa in maanta adinku aad tihiin madaxdii berri
maamulka la wareegi lahayd, dedaal badan waa inaad sameysaan.
Masuuliyiinta dowlad goboleedka Galmudug waxaan kaga
codsanayaa halkan iyagana in ay dardar galiyaan howlaha hor-yaalla ee looga
baahan yahay in ay qabtaan, waxaan ka codsanayaa oo aan si aad ah uga codsanayaa
in magaalada Gaalkacyo ee xaruta gobbolka iyo deegaannada kale sida Hobyo oo
kale ay ka hir-galiyaan goobo waxbarasho oo uu maamulka dhidbo si berri aan uga
gaashaamanno in dhallinta deegaanka aanay ku dhicin waxbarasho la’aan, ogaada
aqoonta aya lagu gaaraa horumar iyo barwaaqo.
Maamulka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan
deegaannada maamul goboleedka Galmudug hambalyo 7sano guuradiina waana idin
kaga mahadcelinayaa inaad halkan isa soo gaarsiisaan adinkoo kaashanaya Alle
weyne.

