Saturday, November 1, 2014
Ha sababin in berri lagu yiraahdo ''Madaxdii bur-burka iyo mashaakilka"
Khilaaf ka dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan SHeekh iyo Ra'iisul wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa soo shaac baxay wax un yar kadib markii Cabdiweli Sheekh Axmed uu sameeyay Isku shaandheyn qaar kamid ah golaha wasiirada.
Aniga fikir ahaan ma qabo in kuwa maanta talada haya in ay jiraan wax ay ku kala bedalan yihiin kuwii ka horreysay, hase yeeshee kuwa soo socda kama aragti dhiiban karo.
Xukuumadda hadda shaqeysa ee uu hoggaaminayo Ra'iisul wasaare Cabdiweli Sheekh waxaa ka horreysay xukuumaddii uu hoggaanka u hayay Dr. Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo iyadu baarlamaanka ay laaleen.
Wararka suuqa ku jira ma ahan kuwa fiican, waxayna u muuqdaan kuwa dilaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ka daalacay colaadaha iyo abaaraha.
Runtii waxaa Soomaalidu tiraahdaa "Nabad aad ka warqabtay xanuunkiisa waxba kaama dhimo" waxaase leeyahay fursadda aad maanta heysataan ha uga faa'iideysanina sida qaldan si shacabka ay u kala sii fogaadaan.
Waxyaabaha aan ka digayo waxaa kamid ah Qabyaaladda oo dhab ahaantii Soomaalida si weyn ula degtay.
Maanta ma jiro Masuul Soomaaliyeed oo metala Shacabka laakiin waxaa jira masuul Soomaaliyeed oo qabiilkiisa metala, Rajada ifeysa ayaa ah mid wanaagsan oo u muuqata in arrintaasi laga gudbi doono.
Madaxda maanta talada heysa sida Madaxweynaha, Raysal wasaaraha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka iyo masuuliyiinta kale ee dowladda Federaalka waxaan u sheegayaa inay ka fogaadaan in berri ay ku magacownaadaan madaxdii "Burburka iyo Fowdada" Sababtoo ah haddii aad maanta horseed u noqoto xasiloonida iyo hormarka taariikhdu kuma hilmaami doonto si sidaas lamid ahna haddii aad xumaanta u hiiliso taariikhda ayaa xusi doonta.
Qof walba oo Soomaali ah maanta waxa uu dareemi karaa xaaladda uu dalka marayo waxaana wanaagsan in qofka uu ka qeyb qaato xasiloonida dalka iyo geeddi socodka nabadda si looga baaqsado khilaafyo abuuri kara colaad sokeeye, dhibaatooyin kale iyo waxyaabo aan ka soo gudubnay.
Inkastoo uusan igu jirin fikirka ah in Shisheeyaha iyo kuwa dariskaba oo ay ugu soo horreeyaan Itoobiya iyo Kenya ay wax inoo qaban karaan inay na hagal-daaciyaan ma ahane ayaa madaxda qaranka waxaan u jeedinayaa inay isu tanaasulaan iyadoo la dhowrayo danta dalka iyo dadka.
Awoowayaal ayaa iiga sheekeeya in la soo maray xili ay hal-hees u tahay shacabka Soomaaliyeed Danta guud ayaa ka horreysa midda gaarka ah, laakiin waxaa maanta fool-xumo ah in masuul kasta uu dantiisa gaar ahaaneed uu eeganayo.
Madaxda Qarankow kursiga waxaad ugu fadhisaan Shacabka Soomaaliyeed oo dhan garta oo aqoonsada in dalka uu marayo marxalad ka duwan sidii hore inta aad dib inoo dhigi lahaydeen waxaa igala haboon inaad hore u socotaan illaa darbigu idin soo celinayo oo macnaheedu aan kala jeedo inta dowladnimo sax ah aan ka heleyno.
Mahadsanidiin
Maxamed Cabdullaahi Maxamed
Email-ka Mcabdullaahi94@gamil.com
Www.Facebook.com/deeq1994
Subscribe to:
Comments (Atom)
