Saturday, October 26, 2013

Waan Cambaareynayaa falkii lagu xiray Maamulka iyo SHaqaalaha Shabelle ee Muqdisho.


Wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe waxaa dalkayaga ka hana qaaday Warbaahin madax bannaan oo xor ah.

Dhinacyada siyaasadda in badanoo kamid ah ayaa ka soo horjeestay amaba aanan ku qanacsaneyn sida ay xaqiiqda u soo bandhigayaan wariyeyaasha da'da yar misna ay ka go'an tahay in ay mar walba shacabkooda waxa jira u soo gudbiyaan.

Ciidamo ka tirsan dowladda Federal-ka ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gudaha u galay xarunta Idaacadda Maxalliga ah ee Shabelle iyadoo kadib ay ku dhaqaaqeen xad gudubyo loo geystay maamulka iyo shaqaalaha Raadiyahaasi Shabelle.

Waxaan Aad uga xumay falkaasi maanta lagu xiray Howlwadeennada Idaacadda Shabelle oo qaarkood ciidanka ay jir dileen.

Dowladda Federal-ka ayaa u jeedinayaa in ay wax ka badasho hab dhaqanka wariyeyaasha Soomaaliyeed oo iyagu u soo nuglaa in ka badan 22 sano dil iyo wixii lamid ah.

Saaxiibadayda Warbaahinta Shabelle waxa aan leeyahay wixii dhacay waa gaf saxaafadeed sidaasi darteed waa  inaad sii wadataan howshiina aad bulshada u heysaan.

Dowladda waxaan mar kale u jeedinayaa in ay dhowrto xuriyadda saxaafadda oo aanay waxyeelo dambe u dhicin, anigoo dowladda sidoo kale ka codsanaya in Raadiyaha Shabelle iyo Shaqaalihiisaba ay u ogalaato in mar kale ay ku sii shaqeeyaan dhismaha xarunta oo hadda isku bedashay goob ciidan.

Waxaa inagu maqaallo ah in shabakad dhan aanay ku guuri karin 5 maalmood, marka madaxdii soo saaray amarkaas iyo kuwa kaleba waxaan u sheegayaa in ay haboon tahay in dowladda dib ay isugu laabato iyada isla markaana aan ka codsanayaa in xaaladda ay qaboojiso si aanay u dhicin xad gudubyo kale.

Saaxiibada Shabelle-na waxaan leeyahay shacabkiina ayaa idin sugaya ee wixii dhacay waa tacaddi saxaafadeed oo kaliya marka waa inaad sii dhabar adeegtaan oo howsha la sii xoojiyo si loo guuleysto.

Waxaan jeclahay inaad ka dharagsan tihiin in maanta siyaasiyiinta in badan oo kamid ah aanay ogaleyn in bulshada runta loo sheego sida tabinta Musuq-maasuqa iyo wixii soo raaca.

Shabellaay ballanteennu waa howl karnimo iyo shaqo wacan.

DHanka kale waxaan halkan aan tacsi uga dirayaa dhammaan eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde oo caawa ku geeriyooday Isbitaalka Madina ee Magaalada Muqdisho.